Deni oo soo magacaabay Guddiga Farsamo ee Hanaanka doorashooyinka ku matalaya

Wareegto goordhaw kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cadullaahi Deni ayaa lagu soo magacaabay Guddiga Farsamo ee maamulka Puntland ku matalaya Hanaanka Doorashooyinka dalka.
Shirkii Dhuuusomareeb ugu soo dhamaaday Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamulada ayaa lagu heshiiyay in lasoo magacaabo guddi farsamo oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.
Halkan ka Akhriso Wareegtada magacaabista Deni soo saaray
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.
Sidaasi darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland.
1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.
*Xeerkan waxaa uu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -