Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaafiic & rasaas caawa laga maqlay garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb

Madaafiic ayaa goor dhow oo fiidnimadii ah ku soo dhow ku soo dhacay qeybo ka mid ah garoonka dayuuradaha Ugaas Xassan ee magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, goob joogayaal ayaa sheegaya in madaafiicda ay bar bar socoto rasaas xooggan, waxaana kacsan xaalada garoonka.

Ma cadda weli sida ay wax u jiraan balse waxaa loo badinayaa madaafiicda ay garoonka ku soo weerareen xoogag taabacsan Al-Shabaab oo weerar noocan ah horey ugu soo qaaday halkaas.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in nawaaxiga garoonka Dhuusamareeb uu ka dhacay iska horimaad u dhexeeya ciidamada Galmudug iyo dagaalyahano hubeysan.

Shacabka Magaalada ku dhaqan ayaa sheegay iney maqlayeen madaafiicda iyo rasaasta dhaceysa, ayna dareemayaan cabsi iyo walaac xoogan, waxaana jira warar sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku soo dhaceen xaafadaha ku dhow garoonka dayuuradaha.

Lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda iyo rasaasta laga maqlay caawa garoonka dayuuradaha Dhuusamareeb, laamaha amaanka Galmudugna kama hadlin.

Dagaal iyo madaafiic caawa ka socda Airportka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, lamana oga cida sida rasmiga ah u soo weerartay Airportka, balse Alshabaab ayaa dhowr jeer weerar madaafiic ay u adeegsadeen kusoo qaaday Dhuusamareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo Magacaabay guddiga amniga doorashooyinka Qaranka

Caydiid Ali

Puntland oo heshay Aqoonsiga Sacuudiyan ka tirsanaa Daacish (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe: “Ciidamada DF waxay boob ku hayaan shacabka gobolka Gedo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---