Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdigii uu horkacayey oo dib ugu soo laabtay dalka

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu horkacayey ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay.

Waxaa garoonka Aadan cadde ku soo dhaweeyey wasiirka Cadaaladda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo xog-hayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Masuuliyiin kale.

Wafdiga Rooble oo ka koobnaa xubno ka tirsana labada gole ee DF ayaa ku soo cumreysatay goobaha barakeysan ee dalka Sacuudiga iyagoo halkaas ku sugnaa dhowr cisho.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisa ayaa intii ay joogeen dalkaas waxay la kulmeen masuuliyiin sare ee ka tirsan boqortooyada Sacuudiga iyagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada sacuudigu siiyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiirada Puntland oo ku qulqulaya Itoobiya ka dib go’aankii dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Meydka Kibaki oo lagu soo bandhigay Nairobi & Madaxweyne Kenyatta oo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay Anita Kiki iyo wefdi ay hogaamineysay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---