(Daawo Sawirro) Hoggaamiyaha ugu da`da weyn caalamka oo xilka loo dhaariyay

Mahathir Mohamad ayaa mar kale loo dhaariyay raysal wasaaraha Malaysia kaddib markii uu si aan la fileyn ugu guuleystay doorashada, 15 sano kaddib markii uu xilka ka degay.

Taageerayaasha ayaa calamo ruxayay iyagoo isugu soo baxay bannaanka qasriga Istana Negara ee Kuala Lumpur xilli ay dhaarintu socotay.

Ninkan oo in ka badan 20 sano xilka soo hayay, waa 92 jir, wuxuuna noqonayaa hoggaamiyaha ugu da`da weyn dunida ee la doorto.

Wuxuu ka soo baxay howl-gabnimada isagoo ku biiray mucaaradka kaddibna wuxuu ka adkaaday Najib Razak.

Guushiisa taariikhiga ah ayaa meesha ka saartay isbahaysiga Barisan Nasional (BN), oo xukunka dalkaasi hayay tan iyo intii uu xornimada qaatay sanadkii 1957.

Dr Mahathir ayaa lagu hor dhaariyay boqorka, Sultan Muhammad V. raysal wasaaraha cusub ayaa waxaa wehlisay xaaskiisa, Siti Hasmah Mohammed Ali.

Natiijada rasmiga ah ayaa muujineysay in isbahaysigiisa Pakatan Harapan (Isbahaysiga Rajada) uu 113 ka helay 222 kuraas ee loo tartamay, oo ay ku jiraan kuwo ay keliya hayn jirtay dowladda. BN ayaa helay 79 kuraas.

Dr Mahathir ayaa sheegay in isbahaysigiisa uusan aargoosi sameyn doonin balse “uu kala dambeynta soo celin doono “. Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay labo maalmood oo fasax ah, isagoo intaa raaciyay: “Balse wax fasax ah malaha kuwa guuleystay.”

Sicir bararka iyo eedeymaha muddada fog ee musuqmaasuqa ayaa ku kallifay codbixiyeyaal badan inay ka weecdaan Najib iyo isbahaysigiisii mar ahaa mid aan la liicin karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -