Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo Shaaca ka qaaday in Biyaha Wabiga Niil sidii ay doonaan u isticmaalayaan

Dowladaha Itoobiya, Masar iyo Sudan ayaan wali heshiis ka gaarin khilaafka ka dhashay biyo xireenka ay dowlada Itoobiya u sameesay wabiga Niil ay ku tiirsan yihiin nolosha malaayiin qof oo kunool Masar iyo Sudan.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya  biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto sida ay doonto una adeegsan karto ujeedo kasta ay rabto.

Qoraal uu soo dhigay barta uu twitterka ku leeyahay Gedduu Andaargaaschew ayaa ku sheegay in aysan jirin cid dadka Itoobiya ka hor istaagi karta isticmaalka biyaha wabiga Nile .

“Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yiri. Wasiir Gedduu.

Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa kasoo horjeeda buuxinta Itoobiya biyo xireenka ee Wabiga Niil, waxaana marar badan guul dareestay wadahadalo la doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka dhashay biyo xireenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Sare ee Ciidamada Puntland oo xukuno dil ah ku riday Saddex nin

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe oo si kulul uga Jawaabay Xildhibaan dil ugu hanjabay

Cabdi Cade

Daawo Video:-Kun askari AMISOM ah oo dalka ka baxaya & QM oo ku dhawaaqday in…

admin
Taboola Ads ---