Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay in Arday ka socota Puntland galeen Imtixaanka Shahaadiga

Waxaa shalay si rasmi ah loo soo gabo gabeeyay imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare, waxaana sanadkan imtixaankaasi u fadhiistay in ka badan 34-kun oo arday oo ku kala sugan gobolada dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardayda imtixaanka shahaadiga ah gashay ee fasalka 4-aad ee dugsiga sare ay ku jiraan 500-arday oo wax ku barata deegaanada Puntland.

Wasaarada Waxbarashada ma shaacin halka ardayda wax ku baratay dugsiyada sare ee Puntlad ku galeen imixaankan, waxaana horey imtixaankan uga soo horjeesatay Puntland oo iyadu si gaar ah imtixaan uga qaaday ardayda dugsiga sare.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -