Maxkamada Sare ee Ciidamada Puntland oo xukuno dil ah ku riday Saddex nin

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Puntland, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Puntland.

Askartan ayaa lagu helay inay siyaabo kala duwan u dileen askar iyo sarkaal Ciidan sida maxkamada laga hor cadeeyey.

Ragga dilka lagu xukumay ayaa waxaa ka mid ah Axmed Aaden Maxamed (Gaagaale) oo lagu helay inuu dilay Taliyihii Saldhiga Booliiska Garoonka Dayuuradaha Boosaaso, G/sare Xassan Shire Ammaan

Sidoo kale, Ayaanle Maxamed Cabdi oo horay u dilay askari kale ayay isna Maxkamaddu dil toogasho ah ku ridday.

Axmed Maxamed Muuse oo ka tirsanaa Ciidanka PMPF, horayna u dilay askari kale, ayaa lagu riday xukun toogasho ah.

Sadexdan askari ayaa waxaa horey dil ugu xukuntay Maxkamada darajada Koowaad ee ciidamada Puntland.

Dhinaca kale, C/qaadir Axmed Maxamed oo ka tirsan Ciidamada Puntland, horayna magaalada Boosaaso ugu dilay nin Yemeni ayaa isna lagu xukumay inuu bixiyo Mag dhan 100-halaad oo geela, kadib markii ay eheladiisa ay sidaas dalbadeen.

Cabdulqaadir Ayaanle Maxamed oo isna si Kama’ ah qof shacab ah ugu dilay Boosaaso, ayay Maxkamaddu ku xukuntay inuu bixiyo Magta qofkii uu dilay, waxaana labada nin ee mag bixinta lagu xukumay ay ku soo jiri doonaan xabsiga tan iyo inta la dhameystirayo magta lagu xukumay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -