Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa Hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Dhuusomareeb kula kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ku matala Jubbaland.

Xubnaha  kulankan ka dhex muuqday  qaar ka mid ah Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira Xuuumada RW Khayre oo Axmed Madoobe si weyn uga soo horjeeday dib u doorashadiisa.

Kulankan ayaa ahaa mid la isku xog waraysanayay Xaalada guud ee dalka uu marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasada, amniga iyo doorashooyinka.

Axmed Madoobe ayaa dhamaan Xildhibaanada Jubbaland ku matala labada Aqal ee Baarlamaanka ku marti qaaday Jubbaland si looga wada tashado Arrimaha masiiriga ah ee dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo kulan muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Labo Kursi oo lasii ogyahay cida kusoo baxeysa oo beri lagu dooranayo Dhuusomareeb

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Ku xigeenka oo qaabilay Orodyahan Guul u soo hoyay Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---