Allbanaadir.com
NEWS

Labo Kursi oo lasii ogyahay cida kusoo baxeysa oo beri lagu dooranayo Dhuusomareeb

Waxaa beri oo arbaco ah lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ka bilaabato doorashada Xildhibaanada golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Galmudug.

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa shaaciyay in beri Dhuusomareeb lagu dooranayo labada kursi ee kala ah HOP26 oo ay ku fadhido hada Ikraan Aadan Absuge & HOP104 uu ku fadhiyo Mahad Cabdalla Cawad .

Labadan Kursi ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Dhuusomareeb ayaa ah mid aan xiiso iyo xamaasad toona laheyn, waxaana doorashadan kusoo baxaya oo loo xiray Senator Yuusuf Geelle Ugaas iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Guddiga doorashada ayaana ku wargaliyay ergada dooraneysa labadan kursi in xaadir ku noqdaan hoolka doorashada ka dhaceyso sideeda subaxnimo si doorashada u bilaabato Sagaalka subaxnimo.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka oo horey loo saadaalinayay in ay noqoto mid xamaasad leh ayaa hada u muuqata mid rajo beel ah oo dad gaar ah oo la rabo kaliya loo xirayo taas oo meesha ka saareysa in dalka ka dhacdo doorasho hufan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hormuud oo  Deeq Lacageed Guddoonsiiyay school ay wax ka bartaan Dadka Magalka la’ (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shir u dhaxeeyay Hay’adaha Caalamiga iyo maamulka Puntland oo Garawe ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasaaradda Amniga oo si adag u Beenisay War lagu baahiyay Baraha bulshada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---