Akhriso) Labo arrimood oo la sheeg iney caqabad ku yihiin shirka Dhuusamareeb

Masuuliyiinta Bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is-aamin darro iyo tanaasul la’aan ay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee ku hareeraysan wada-hadallada Dhuusamereeb.

Ururrada bulshada rayidka ayaa hadalkan ku sheegay war-saxaafadeed ay maanta soo saareen, kadib markii ay la kulmeen dhinacyada ku wada sugan Dhuusamareeb Waxayna ugu baaqeen ka qayb galayaasha inay shirka u furaan qaybaha kale ee bulshada.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen in in Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb inaysan ku kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed.

Qodob kale oo ay ku baaqeen ayaa ahaa in madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhuusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda islamarkaasna ogaadan in talada lala leeyahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Ururrada bulshadu waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaaliya inay ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageeradooda iney noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Somaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -