Allbanaadir.com
NEWS

Boqor Salmaan oo isbitaal loola cararay iyo xanuunka ku dhacay oo la shaaciyay 

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz ayaa loola cararay isbitaal gaar ah oo kuyaala magaalada Riyadh, kadib markii boqorka lasoo daristay xaalad caafimaad daro.

Wakaalada wararka u faafisa boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku warantay in boqor  Salmaan la dhigay isbitaal ,kadib markii markii uu lasoo darsay xanuun dhinaca kaadi heysta .

Boqortooyada Sacuudiga ayaan faah faahin badan ka bixin xaalada caafimaad ee Boqorka, waxaana warbaahinta hadal heysaa xanuunkan ku dhacay boqorka ee sababay in loola cararo isbitaal.

Boqor Salmaan bin Cabdul Caziiz oo 84-sano jir ah ayaa loo caleemo saaray Boqorka Sacuudiga sanadkii 2015-kii, waxaana Boqorka la sheegaa in hada uusan shaqo badan qaban talada dalkana kala hago wiilkiisa Dhaxal Sugaha ah ee Maxamed Bin Salman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhibaato xooggan oo ka taagan Waddo Muhiim ah oo kutaalla Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War ka soo saaray weeraradii Al-shabaab ka geysatay Muqdisho

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo amar siiyey Ciidamada Booliska Puntland ee Garoowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---