Dhibaato xooggan oo ka taagan Waddo Muhiim ah oo kutaalla Muqdisho (Sawirro)

Natiija ka dhalatay maamul aan ka war-qabin dhibaatada shacabka lagu hayo, saraakiil arxan laawayaal ah, iyo shacab aan diirin, ayaa sabab u noqday inay joogto u xiranto waddada u dhexeysa Iridda Isbitaalka xoogga ilaa xerada Damaanyo.

Xirmidda waddada waxaa sabab u ah jid-gooyo macna darra ah oo lagu sameeyay qeyb kamid ah labada seed ee ka koobantahay wadada dhex marta xera Goordan iyo Damaanyo. Seedka xiran waxuu xigaa dhanka xera Goordan, waxaana igu maqaala ah inay ku andacoonayaan inay u xirteen sabab la xariirta inay amniga xerada ka ilaaliyaan.

Xerada ay ku doodayaan in ilaalinta amnigeeda aawadeed ay u xireen qeyb kamid ah wadada, waxay laamiga u jirtaa marka ay ugu yartahay afaran mitir mana jirto sabab qasbeysa in jidka laga joogo ummadda.

Dad ayaa loo dilaa sabab la xariirta wadada xiranta, hooyooyin foolanayay ayaa ku umula, gaadiidka dadweynaha iyo bajaajta ayey qasab ku noqotaa inay dejiyaan rakaabka, dhaqaalahooda ayeyna saameysaa.

Dhowr jeer ayaa cabasho la xariirta dhibaatada joogta ah ee waddaanla lagu qabo la gaarsiiyay maamulka gobalka Banaadir, hase yeeshee waxba kama soo naasa caddaan. Sidoo kale saraakiisha maamusha Xera Goordan iyo saraakiisha ciidanka xoogga iyana waxay ku raaxeeystaan dhibka shacabka kasoo gaaraya jidka ay ka gooyeen, shacabkuna marna kuma dhiirradaan inay ka dhiidhiyaan dhibaatadaan xoogga badan.

Hadii ciidankii loo xil saaray ilaalinta amniga shacabka ay waddadii micna darro uga xiranayaan, maamulkii laga doonayay inuu adeeg wanaagsan shacabka gaarsiiyana uu awoodi waayay inuu ugu yaraan waddooyinka macna darrada u xiran u furo, bulshuna ay garan weyday inay ka dhiidhiso oo ay codkooda dowladda gaarsiiso, ma duul qarsoon ayaa keeni doona xalka dhibka ummadda heysta?

Talo soo jeedin.

Waxaan soo jeedinayaa in maamulka gobalku uu il naxariis leh uu ku eego, oo sida ugu dhaqsiyaha badan amar ugu bixiyo qaadidda jid-goodaya ciidanka meleterigu ay ku sameeyeen waddada, si meesha looga saaro dhibka shacabku ku qabaan marista waddadaas muhiimka ah.

W/Q Cabdifitaax Xaashi Nuur

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -