Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo dhageestay aragtida Ururada Bulshada Rayidka (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusomareeb qaabilay Ururada Bulshadda Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Ururada Bulshadda Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha in ay soo dhoweenayaan  Shirka ay yeelanayaan Maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ayna rajo wanagasan ka qabaan in shirkaasi miro dhal noqdo.
Kulanka oo looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda 2020/2021,waxay Ururada Bulshadu muujiyeen sida loogu baahanahay in laga heshiiyo nooc doorasho oo dalka ka dhacda, taasi oo ku qabsoomi karta muddada wakhtiga ka harsan iyo in Haweenku helaan kooto ku filan.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada Soomaaliya iyo kaalintii ay ku lahaayeen marxaladahii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mamta Murithi oo Muqdisho soo gaartay lana kulantay Masuuliin katirsan DFS (Sawirro)

Cabdi Cade

Galmudug oo ka hadashay Sharuudo la sheegay in ay ku xirtay Shirka ka dhacaya Xalane

Cabdi Cade

Ciidamada PSF oo howlgal ku dilay xubno katirsan Daacish oo Ajaaniib ku jiraan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---