Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Deni oo amar siiyey Ciidamada Booliska Puntland ee Garoowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla.

Deni ayaa amar ku siiyey saraakiisha Booliska in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.

Dowladda Puntland waxay ahmiyad gaar ah siisay Amniga iyo Ciidamada, Isbedelka iyo tayeynta Ciidanka Booliiska” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo agabyo Caafimaad gaarsiisay Isbitaalka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Kenya oo loogu baaqay in ay qabato Cabdirashiid Janan una gudbiso dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Maxay yihiin xubnaha uu Wareegtada ku Magacaabay Madaxweyne Deni?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---