Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab oo lagu abaal mariyay 500 Dollar

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 9-aad qaybta 60-aad ayaa la guddoonsiiyay lacag abaal-marin ah, kaddib markii ay ciidankaasi fuliyeen howlgal lagu dilay xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Howlgalka ay ciidanka katirsan xoogga dalka ka fuliyeen isbuucyo kahor deegaan dhaca duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 30-xubnood oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ay ku jireen saraakiil.

Abaandulaha ururka 260-aad ee guutada 9-aad qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Isaaq Basar, ayaa lacag abaal-marin ah oo dhan 500-dollar guddoonsiiyay ciidanka fuliyay howlgalka lagu dhibaateeyay kooxda Al Shabaab.

Lacagtan ciidanka xoogga dalka la siiyay ayuuna sheegay abaanduulaha in ay tahay mid dhiiro-gelin ah oo la siinayo geesiyada howlgalka fuliyay, waxa uuna ku ammaanay ciidankaasi jabka ay gaarsiiyeen kooxda Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaana dagaal xooggan kula jira kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta qeybo kamid ah dalka, waxa ayna ciidanka mararka qaar fuliyaan howlgalo gaadmo ah ay ku dhibaateeyaan maleeshiyaadka Al Shabaab u dagaallama.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Daawo Sawirro) Xubnihii loo magacaabay doorashada gudoonka Golaha shacabka oo Gudoomiye doortay

Caydiid Ali

Mid kamid ah Fannaaniinta Soomaaliya ugu caansan oo fanka isaga baxday

Cabdi Cade

Daawo:-Wadooyinka Xirnaa ee Garoowe oo mar qura lasoo buux dhaafiyay Kadib soo dhawaynta Madaxwayne Dani !!

admin
Taboola Ads ---