Allbanaadir.com
NEWS

Dadaalo biyaha looga Dhurayo Wadooyinka Muqdisho oo socda (Daawo Sawirada)

Dowlada Hoose ee Xamar ayaa wada dadaalo biyaha fadhiistay qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho looga dhurayo ama looga dhuuqayo, si aysan u go’in wadooyinkaasi ama waxyeelo u gaarsiin xaafadaha ku dhaw dhaw.

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa fadhiistay biyo badan oo ka dhashay roob saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay magaalada Muqdisho, waxa ayna biyahaasi roobka sababeen in ay go’aan qaar kamid ah wadooyinkii la isticmaali jiray.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa booyado u adeegsanaya in biyaha uga dhuuqaan wadooyinka biyaha badan fadhiyaan, waxaana isbadal laga dareemayaa qaar kamid ah wadooyinka biyaha laga dhuuqay.

Qaar kamid ah wadooyinka Miuqdisho ayaa xili roobaadka waxaa fadhiista biyo badan kuwaa oo xira wadooyinkaasi sidoo kale saameyn ku yeesha isku socodka dadka iyo gaadiidka .

Roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa sababay khasaaro isugu jira dhinasho , dhaawac iyo bur bur dhismayaal, waxaana wali laga cabsi qabaa in roobka da’aya waxyeelo inta badan magaalada ka geesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin Soomaali ah ay ku jirto Ilhan Cumar oo kusoo baxay doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga

Cabdi Cade

Tirtada dadka ku dhintay isbuurashadii Indonesia oo sii korodhay (Sawirro)

Caydiid Ali

RW Rooble oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---