Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Ciidamada Midowga Yurub oo tababar casri ah u soo xiray Saraakiil ka tirsan Xooga dalka Somalia

Saraakiil ka tirsan ciidanka ciidanka XDS ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha Taakuleynta Taliska  Ciidanka xoogga dalka Soomaalieed S/Guuto Bile Maxamed Aadan iyo Abaanduullaha Qeybta 12ka Apriil ahna Madaxa howlgelinta qeybtaas S/Guuto Max’uud Macalin Koronto, ayaa soo xiray tababarkan oo la siiyey Saraakiil  ka tirsan Qeybta 12ka April ee ciidanka XDS

Waxaa Saraakiishan la baray mudadii uu tababarku u socday Isticmaalka isgaarsiinta casriga ah ee ciidamada iyo qaabka loo fuliyo Howlgalada gaarka ah, waxaana tababarkaan bixinayey saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

Taliyeyaasha oo la hadlay Saraakiisha loo soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay inay la yimaadaan howlkarnimo, isla markaana aqoontii ay barteen uga faa’iideeyaan ciidanka, iyagoo ugu baaqay inay dhexda u xirtaan siddii dalka looga xoreyn lahaa Kooxda Alshabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hakan Çavuşoğlu & Wafdigiisa oo booqday saldhiga Turkigu ka dhistay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in ay xayirtay 35-Milyan Dollar oo loogu deeqay Maamulka ….

Cabdi Cade

Ciidamada badda ee dalka Gariiga oo lagu eedeeyay dilka 40-qof oo Muhaajiriin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---