Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanad katirsaneyd Baarlamaanka Afganistan oo la toogtay iyo Taliban oo ka hadashay

Xildhibaanad katirsaneyd baarlamaankii ugu dambeeyay ee dalka Afganistan ayaa toogasho lagu dilay iyada iyo mid kamid ah ilaaladeeda, waxaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay xubno kale oo qoyskeeda kamid ah.

Weerarka lagu dilay xildhibaan Mursal Nabizada, oo 32 sanno jir aheyd ayaa ka dhacay guri ay ka degneed magaalada Kabul, waxaana weerarkan lagu dilay mid kamid ah ilaaladeeda halka lagu dhaawacay walaalkeed iyo nin kale oo ilaaladeeda kamid ahaa.

Afhayeenka booliiska magaalada Kabul, Khalid Zadran ayaa warbaahinta u sheegay in uu dhacay weerar lagu dilay xildhibaanad hore Mursal Nabizada iyo mid kamid ah ilaaladeeda, waxa uuna sheegay afhayeenka in ay socdaan baaritaano ku aadan weerarkan.

Xildhibaanada la dilay ee Mursal Nabizada ayaa baarlamanaka dalka Afganistan kamid noqotay sannadkii 2018-kii, waxa ayna aheyd xildhibaanad kahor inta aysan Taalibaan la wareegin talada dalka Afganistan.

Haweeneydan iyo kuwa kale oon badneen ayaa go’aansaday in dalkooda isaga negaadaan markii Talilabn talada la wareegtay, waxaana dilka loo geestay xildhibaanadan hore cabsi ku abuuray xildhibaano iyo dad kale oo horey xilal usoo qabtay oo wali jooga Afganistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo caawa kormeer kedis ah ka sameeyey Hargeysa (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Koblenz oo xukuntay Soomaali dembi Yaab leh galay

Caydiid Ali

Madaxweynihii hore ee Galmudug oo ka hadlay Hadalkii Lafta Gareen iyo Fal Celiskii ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---