Al-Shabaab oo la wareegtay degmada Balcad iyo Wararkii ugu dambeeyey

Ka dib dagaal caawa dhowr jiho ay kaga soo qaadeen ayaa kooxda Al-shabaab waxay kula wareegeen degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe oo qiyaastii 40km dhinaca woqooyi kaga toosan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Ciidamadii dowlada ee difaacayey degmada ayaa halkaas isaga baxay ka dib markii laga taag roonaaday sida dadka degaanku sheegayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al-shabaab ay qabsadeen saldhiga Booliska iyo xarunta maamulka degmada Balcad, iyagoo ooda ka qaaday maxaabiis u xirneyd maamulka degmada Balcad.

Dagaalyahano fara badan oo ku dhawaaqaya (Allaahu akbar) ayaa gaaf wareegaya bartamaha degmada Balcad, lamana oga illaa hadda halka ay ku dambeeyeen masuuliyiintii maamulka degmada Balcad ee halkaas ku sugneyd.

Dayuurado loo malaynayo iney yihiin kuwo wax duqeeya ama basaasa ayaa ayaa la soo sheegayaa iney dulmarayaan degmada Balcad, kuwaasoo dadka halkaas jooga ay sheegayaan iney maqlayaan guuxooda, mana cadda illaa hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka caawa ka dhacay Balcad.

Lama oga in xoogaga Al-shabaab ay sii joogayaan iyo iney dib uga bixi doonaan degmada Balcad, wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco wararkeena soo socda insha Allaah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -