Kenya oo haweeney Soomaali u sharaxday tartan loogu jiro Xil sare oo caalami ah

Kenya ayaa wasiirka ciyaaraha Aamina Maxamed u xulatay musharraxeeda uga qeyb geli doonto tartanka dalalka caalamka ay ugu jiraan madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka, doorashada waxay dhici doontaa bisha Agosto.

Waxaa jagadan tartan ugu jiraa ilaa lix dal oo ay labo kasoo jeedaan Afrika, kuwaasoo kala ah, Nigeria, Masar, Kuuriyada Koonfureed, Mexico iyo Moldova.

Cidda ku guuleysata doorashadan waxay baddali doontaa ninka haatan madaxda ka ah Ha’yaddan oo ka soo jeedo dalka Brazil kaas oo xilka ka degaya 31-da bisha Agosto.

Aamina Maxamed ayaa kamid ah dadka loolanka ugu jiro sidii ay ku hanan lahaayeen madaxa Ha’yadda Ganacsiga ee Adduunka

Aamina Maxamed ayaa sannadkii 2013-kii u tartantay kursigan balse waxaa ka guuleystay Robert AzevĂŞdo oo kasoo jeedo Brazil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -