Dalal qaabilay tahriibayaal Soomaali u badan oo muddo ku go’doonsanaa Badweynta

Malta ayaa ogolaatay in xeebaheeda ay ka degaan muhaajiriin in muddo ah ku dhex go’doonsanaa markab xoolaha qaada oo nadaafaddiisa aad u liidatay.

Waxaa saarnaa Markabkan muhaajiriin intooda badan Soomaali ah ilaa 50 qof ay tiradoodu gaareyso.

Maamulka Jasiirada Malta ayaa horey u diidday inay qaabisho muhaajiriintan, waxayna ku doodeyso in xeryaha lagu qaabilo dadkaas ee ku yaalla Malta ay buux dhaafeen.

Balse Talaadadii Malta waxay sheegtay in Yurub ay qaabili doonto muhaajiriintan cusub ka ddib markii heshiis wada gaareen.

Isniintii, Talyaaniga wuxuu fasaxay muhaarijiin gaaraya 180 oo saarnaa markab ku go’doonsanaa xeebaha badda Mediterranean-ka, waxay muhaajirintaas ka kala socdeen dalalka Pakistaan, Eritrea iyo Nigeria, waxaana muhaajirintaas markii hore laga soo badbaadiyay xeebaha Liibiya.

Sida laga soo xigtay Ha’yadda Socdaalka Adduunka ee IOM sannadkii hore in ka badan 110,000 muhaajiriin ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan badda Mediterranean-ka, waxaana halkaas ku dhintay 1,200 oo muhaajiriintaas ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -