Ku-simaha Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmay Mike Nithavrianakis (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka  Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka cusub Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis.

Kulanka guddoomiyaha shacabka  Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha Ingiriiska Mudane Mike Nithavrianakis ayaa ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama uu dalka ku cusub yahay.

Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii dowladda Ingiriiska ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka , waxaana uu guddoomiyuhu xusay in dowladda Ingiriiska ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha cusub ee dowladda Ingiriiska u jooga Soomaaliya ayaa kulankooda waxa ay sidoo kale uga wada hadleen arrimaha ilaalinta xasiloonida dalka, iyo xoojinta ladagaalanka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -