Fagaaraha Midnimada Qaranka (Ex-Baarlamaan) oo xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray fagaaraha midnimada qaranka  oo laga hir geliyay xaruntii hore ee Baarlamaanka oo ah xaruntii midnimada Koonfur iyo Waqooyi.

Mahdi Guuleed oo guul taariikhi ah ku tilmaamay xarig jarka ayaa caddeeyay in fagaarahan oo astaan u ah midnimada Waqooyi iyo Koonfur uu noqon doono meel dadweynuhu ku nastaan oo dhallinyaradu ka ogaadaan midnimada iyo dadaalkii loo soo maray.

Jardiinooyika fagaaaraha ayaa lagu muujiyay sida magaalooyinka waqooyi iyo Koonfur loo mataaneeyay xilligii ay goballada waqooyi iyo Koonfur ay midoobeen 1960-kii.

Fagaarahan oo loogu magac daray  midnimada Qaranka ayaa laga dhisay halka uu ku yaalay xaruntii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku dhaw taalada caanka ah ee Daljirka Dahsoon .

Fagaarahan cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb qaadanaya dib u dhiska iyo bilic soo celinta caasimada Muqdisho, waxaana goobta fagaarahan laga dhisay mudo sanado badan aheyd goob bur bursan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -