Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo laga soo daad gureeyay Dhuusomareeb (Sawirro)

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug waxaa maanta laga soo daad gureeyay ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee mudooyinkii dambe ku sugnaa caasimada Galmudug.

Ciidamada Haramcad ayaana diyaarado saakay looga soo qaaday Dhuusomareeb, iyadoona loo soo qaaday Muqdisho kadib markii madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland shuruud uga dhigeen imaanshahooda Dhuusomareeb in ciidankaasi magaalada laga saaro.

Dhanka kale magaalada Dhuusomareeb waxaa gaaray ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab kuwaa oo ka tagay magaalada Gaalkacyo, waxaa sidoo kale magaalada ku wajahan ciidamo kale oo ka socda Puntland.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa beri la filayaa in uu ka furmo shir gaar ah ay isugu imaanayaan madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaa oo ka arinsanaya arimaha doorashooyinka iyo arimo kale oo xasaasi ah.

Ciidamada Danab ee magaalada Dhuusomareeb laga soo daadgureeyay ayaa magaaladaasi la geeyay sanad kahor xiligaas oo dowlada la wareegtay amaanka magaaladaasi ay ka dhacayeen doorashooyin iyo shir dib loogu dhisayay Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dayuurado shil ku galay dalka Faransiiska & howlo gurmad ah oo socda (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo shuruud adag ku xirtay baajinta weerarka ay kaga aargudaneyso Israel

Caydiid Ali

Puntland oo dadkeeda uga digtay in ay qaataan Kaarka aqoonsiga Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---