Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo loo magacaabay taliyaha Nabad Sugida dalka …

Wareegto kasoo baxday madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto ayaa lagu magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Kenya, waxaana xilkaasi loo magacaabay muwaadin Soomaaliyeed.

Madaxweyne Ruto ayaa u xushay taliyaha hay’adda NIS in uu noqdo Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji, ninkan ayaana noqonaya Soomaaligii ugu horeeyay ee noqda taliyaha nabad sugida dalka Kenya.

Baarlamaanka Kenya ayaa la filayaa in ay meel mariyaan magacaabista taliyaha cusub ee NIS  , waxa uuna Nuuradin Haji bedelayaa Philip Kameru oo noqonaya howlgab, waxa uuna ahaa ninkan agaasimaha Sirdoonka Kenya tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Ninkan Soomaaliga ah ee loo magacaabay taliyaha Sirdoonka Kenya ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dalkaasi, waxaa sidoo kale aabihiis Yuusuf Xaaji soo noqday wasiirkii gaashigga dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamaa Jubbaland oo sameeyay Dhoolo tus ay awoodooda kusoo bandhigeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dhibaato ku soo korortay Magaalada Dhuusamareeb & shacabka oo cabanaya

Caydiid Ali

Golaha amaanka oo warbixin laga siiyey xiisada Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---