Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u Dambeeyay Xildhibaan la afduubtay iyo Al Shabaab oo lagu tuhmayo

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in kooxo hubeesan oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab gaari kala degeen Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo gaari kasoo raacay magaalada Jowhar kuna soo jeeday dhanka magaalada Muqdisho ayaa lagala degay gaarigii uu saarnaa xili uu marayay agagaarka deegaanka Gololey ee degmada Balcad.

Dableyda hubeesan ayaa istaajisay gaariga uu saarnaa xildhibaanka oo nuuciisu lagu sheegay Noah, waxaana gaariga lagala degay kaliya Xildhibaan Maxamed Maxamuud iyadoona dadkii kale ee gaariga saarnaa lasii daayay.

Wali ma jiro wax war ah oo ku saabsan afduubka xildhibaankan oo kasoo baxay Maamulka Hirshabelle, waxaana sidoo kale ka hadlin kooxda Al Shabaab oo la tuhmayo in iyadu ka dambeesay afduubka xildhibaanka.

Al Shabaab ayaa weeraro ka geesata inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, waxaana inta badan wadadaasi aanan isticmaalin masuuliyiinta Hirshabelle oo markii hore wadadaasi marin u ahaan jirtay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Maxkamad sii deysay nin qirtay inuu fara xumeeyey gabar 13 jir ah

Caydiid Ali

Al-shabaab oo shan nin ku toogatay fagaare ku yaalla gobolka Sh/hoose

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka Xumaaday Falal fool xun oo ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---