Al-shabaab oo shan nin ku toogatay fagaare ku yaalla gobolka Sh/hoose

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo lagu eedeeyay basaasiin u shaqeynayey sirdoonka reer Galbeedka.

Waxaa xukunkan uu ka dhacay fagaare ku yaalla degaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose gelinkii dambe Khamiistii shalay, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab

Shanta nin oo da’doodu u dhaxayso 28 ilaa 52 jir ayaa la toogtay  Al-Shabaab sooma bandhigin wax caddeyn ah oo la xiriira dembiga lagu eedeeyey ragga la toogtay balse waxay sheegtay inay qirteen inay u basaasayeen dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Ragga la dilay ee basaasimada lagu eedeeyey waxaa ka mid ahaa Ismaaciil Fashion, Jeylaani Cabdiyow iyo sedax kale oo aan magacyadooda la sheegin balse lagu helay inay hagayeen diyaaradaha Drones-ka Mareykanka sida ay sheegtay warbaahinta Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -