(Daawo Sawirro) Maxkamad sii deysay nin qirtay inuu fara xumeeyey gabar 13 jir ah

Maxkamad ku taala gobolka Oklahoma ee dalka Maraykanka ayaa cafisay nin la sheegay inuu indhaha la’yahay, balse kufsi u geystay gabar yar oo 13 jir ah.

Benjamin Lawrence Petty oo 36 jir ah ayaa qirtay Maxkamada ka hor qirtay inuu kufsiga geystay.

Falka kufsiga ah ayaa ka dhacay goob ay kaniisad leedahay oo dadka yaryar ay tagaan xiliga xagaa baxa, kuna taala gobolka Texas, sanadkii 2016-kii.

Ninkan ayaa lagu xukumay 15 sano xarig ah oo balse shuruud ku xiran tahay, taasoo ah haddii uu dambi kale galo in xukunkan uu toos u dhaqan galayo, nidaamkan oo loo yaqaano (Suspended Sentence).

Balse ururada u dooda xuquuqda dumarka iyo dadka dhibanayaasha u ah falalka galmada ayaa dhaleeceeyay go’aanka Maxkamadda.

Garyaqaan u hadlay qoyska gabadha yar ee la fara xumeeyey ayaa sheegay inay aqbaleen xukunka maxkamadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -