Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarad ku wajahneyd magaalada Hargeysa

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in dowlada federaalka Soomaaliya maanta hawada magaalada Hargeysa ka celisay diyaarad jaad siday oo kusii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Diyaaradan oo kasoo duushay garoonka diyaaradaha magaalada Wajeer ayaa siday jaad nuuca loo yaqaan miirowga ee ka baxa dalka Kenya, waxaana jaadkan lahaa ganacsato kasoo jeeda Somaliland.

Wasaarada Duulista iyo hawada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in diyaaradaasi dib hawada looga celiyay kuna laabatay magaalada Wajeer ay kasoo duushay, diyaaradan ayaana la sheegay in aysan fasax heysan sidoo kale jabineysay amarkii jaadka lagu joojiyay.

Jaadkii Somaliland uga imaan jiray dhinaca dalka Itoobiya ayaa yaraaday maalmihii lasoo dhaafay kadib khalalaase iyo rabshado ka bilowday dalkaasi, waxa ayna ganacsatada jaadka ka dalbadeen Kenya in jaad looga keeno taa oo maanta suurto gali weysay.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay in diyaarado jaad sida dalka soo galaan kadib markii dalka uu soo gaaray cudurka Caronavirus, maamulka Somaliland oo dhankiisa horey jaadka u joojiyay ayaa mar dambe dib ka fasaxay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -