Baroordiiq 3 cisho ah oo ka socota Itoobiya iyo calanka dalkaas oo hoos loo dhigay

Dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday baroordiiq 3 cisho ah oo loo sameynayo dadkii faraha badnaa ee ku geeriyooday shilkii dayuuradeed ee shalay ka dhacay duleedka magaalada Addis ababa.

Waxaa sidoo kale hoos loo dhigay calanka wadankaas, si loo maamuuso 157 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale la socday dayuurad nooceedu ahaa Boeing 737 oo shalay burburtay, daqiiqado yar ka dib markii ay ka kacday garoonka dayuuradaha Bole, kuwaasoo kala jeeday illaa 37 dal.

Dhinaca kale, Shirkadda samaysa diyaaradda Boeing ee dalka Maraykanka ayaa wajahaysa su’aalo badan oo la xiriira heerka badqabka diyaaradda nooceedu yahay 737 kadib shilkii diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya, kaas oo ay ku dhinteen 157-dii qof ee saarnayd.

Waa kii labaad muddo 6 bilood gudahood oo ay diyaaradan galayso, kii kan ka horeeyay waxa uu ka dhacay dalka Indonosia bishii Oktoobar ee sannadkii hore, wax yar uu ka dib markii ay cagaha dhulka ka qaadday.

Duuliyihii kaxaynayay diyaaradda oo magaciisu yahay Yared Getachew ayaa la sheegay in sooyaalkiisa duulimaadka uu aad u fiicanyahay, islamarkaasna haysto 8 kun oo saacadood oo waayo aragnimo duulimaad ah.

Dayuurada 737 Max-8 waa diyaarad ku cusub hawada, waxayna suuqa soo gashay sannadkii 2017-kii.

Tii shalay dhacday waxa ay ka mid ahayd 6 diyaaradood oo shirkadda Ethiopian Airlines ka iibsatay shirkadda Boeing, balse dalabka waxa uu ahaa 30 xabbo, iyadoo kuwii kale aanan weli lasoo gaarsiin shirkadda.

Shirkadda Boeing ayaa sheegtay inay kaalmo farsamo u fidin doonto Itoobiya.

Kadib shilkii dhacay bishii Oktoobar, baarayaasha waxa ay sheegeen in duuliyaha uu ku rafaaday sidii uu u xakamayn lahaa habka kaligiis is haga ee diyaaradda ay ku shaqayso, kaasoo shukaanta diyaaradda mararka qaar kala wareegi kara duuliyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -