Madaxweynaha Somaliland oo Dhabmaal u diray dowlada iyo Shacabka Mareykanka

Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Dal-weynaha Maraykanka Iyo Shacabkiisa Ku Hambalyeynayaa Sannad Guurada Ka Soo Wareegtay Markii Ay Madax-bannaanida Qaateen.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa dal-weynaha Maraykanka oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 244-aad ee ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska 04-July-1776-kii.

Waxaanu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabka iyo Dal-weynaha Maraykanka ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan maanta oo ay ku beegan tahay, waxaana xusid mudan in markii ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June 1960-kii uu gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts, Mr. Cristian Archibald Herter oo markii danbena noqday xoghayihii arrimaha dibeda ee dal-weynaha maraykanku uu Somaliland iyo shacbigeeda ku soo hambalyeeyey xornimadii ay ka qaateen boqortooda Ingiriiska oo ay labada ka xoroobeen wakhtiyo kala duwan, sidaa awgeed dawladda iyo shacbiga Somaliland waa kuwo xasuusan marwalba dalalka ay wadaageen halgan iyo taariikho isu eeg.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo dal-weynaha Maraykanka xornimada iyo horumarka 244-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -