Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cali Guudlaawe oo Indhihiisa kusoo arkay Burburka gaaray Isbitaalka Beledweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray qaraxyadii dhawwaan ka dhacay Beledweyne.
 
Madaxweynaha oo kormeerka uu ku wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay.
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay Al Shabaab u la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada Bedledweyne.
 
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah faahino kasoo baxaya dil Kooxo hubeesan u geesteen Maxamed Cabdi Kheyre

Cabdi Cade

Doorashadii ugu cajiibsaneed oo ka socota Baledweyne iyo Wareeg saddexaad oo la aaday

Cabdi Cade

Madaxtooyada Somalia oo xilal cusub Magacowday (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---