Gudoomiye Mursal & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Jigjiga (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garaad Will-Waal ayaa waxaa si diriiran ugu soo dhaweeyay Afhayeenka Baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Aadan iyo masuuliyiin heer deegaan ah.

Waftiga ayaa mudada ay joogaan Deegaanka waxa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiinta Xukuumadda Dowlad degaanka Soomaalida oo uu ku jiro madaxweynaha degaanka Mustafa Maxamed Cagjar.

Booqashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka dambeysay ka dib casuumad uu ka helay dhigiisa Itoobiya oo uu kulamo ka soo qaatay magaalada Addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -