Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saciid Deni oo qaadacay shirkii uu dhowaan ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlayey xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegey inuu ku shaqeynayo talooyinkii ay  dhawaan Baarlamanka Puntland soo jeediyeen oo ay ka mid ahayd in aanu ka qeyb-gelin shirka Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada.

Deni ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad lagu xusayey Munaasabada 1-da Luulyo oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan soo dhoweynayaa kuna shaqeynayaa go’aankii iyo taladii Baarlamanka anigoo tixgelinaya hey’adaha sharciga ah ee Puntland”. ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee aadka uga soo horjeeda hab dhaqanka madaxda DF.

Waxaa kale oo go’aannnada Baarlamanka Puntllad ka mid ahaa in Puntland qaadaneyso tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyno jiritaankeeda, taasoo loo fasirrtay iney tahay madax banaani.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan shir iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaasoo ka dhacaya magaalada Muqdisho si looga arrinsado xaalada siyaasada dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Socodka dadka & gaadiidka ee Garowe & Laas-caanood oo amar culus laga soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Muuse Biixi oo Addis ababa kula kulmay Raisul Wasaaraha Itoobiya

Caydiid Ali

Dowladda Ingiriiska oo Mashaariic Horumarineed ka hirgalineysa Jubbaland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---