(Sawirro) Ajnabi ku baxay xalinta khilaaf ka dhextaagan labo dhinac oo Soomaali ah

Guddoomiyaha Golaha Muslimiinta Magaalada Zwolle iyo Magaalooyinka u dhow Mehmed Karadeniz oo ay dhalashadiisu tahay Turkish iyo Shariif Goelab  oo iimaam ka ah masjidka Misbahul Islam oo ah masjid Soomaalidu ay ku xiran tahay ayaa ka hadlay dareenkoodu ku aadan khilaaf intii muddo ahayd soo jiitamayey una dhexeeyey jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, khilaafkaas oo sababay kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah, taaso oo aakhirka soo dedejisay in jaaliyadu yeelato 2 guddoomiye.

Wada-shaqaynta aan la leenahay jaaliyada Soomaalida ee Zwolle iyo nawaaxigeeda aad ayaa ugu riyaaqsanahay, gaar ahaan markii uu maamulka cusub ee uu Axmed Hayaan hogaamiyo yimid, sidoo kale ururka Islaamka ee Zwolle iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya cilaaqaad wanaagsan, Guddoomiyaha jaaliyada wuxuu suurtagaliyey in wakiil joogta ah oo Soomaali ah uu maamulka Golaha islaamku ka mid noqdo, isaga oo metalaya mushtamaca Soomaalida” Ayuu yiri Mehmed Karadeniz oo ah Guddoomiyaha Golaha Islaamka iyo Guddoomiyaha masjidka Ulu, wuxuuna intaasi ku daray in aasaaskii golaha islaamka Zwolle ay Soomaalidu qayb wayn ka qaadatay, isaga oo u mahadceliyey Cali Nageegey, Cabdirisaaq Saylac iyo Cusmaan Abuukar oo xilliyo kala duwan ka mid ahaa maamulka Golahaas.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha golaha islaamka Zwolle Mehmed Karadeniz, waxay gebi ahaanba joojiyeen xiriirkii iyo wada-shaqayntii ay la lahaayeen maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa C/qaadir Cali [Nuune], kaddib markii ay u arkayeen in hogaanka maamulkaasi ay dantooda gaarka ah ka hormarinayeen masaaliixda dadka ay matalayaan.

“Golaha Islaamku inuu joojiyo wada-shaqayntii uu la lahaa maamulkii ka horreeyey midka uu hogaamiyo Axmed Hayaan waxaa sabab u ahaa in dantii guud ee mushtamaca Soomaaliyeed ama islaamka aan la hormarin, ee mudnaanta la siiyay  dano shaqsi ah, inta badanna balamada iyo shirarka golaha aan la soo xaadiri jirin, taasina ay niyad jab ku riday Golaha” Ayuu yiri Mehmed, wuxuu intaasi raaciyey in iyada oo laga ambaqaadayo wacyiga iyo isbedelada dalkan mar walba uu wajahayo ay lagama maarmaan tahay in dadyowga ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa ay mideyneyso ahdaafta dhaqanka iyo diinta ay mar walba noqdaan kuwa isku xiran, cod qura na leh, taas oo yarayn karta ama meeshaba ka saari karta in mushtamacyadooda lagu harqiyo dhibaatooyinka ay

“Dad muslimiin ah, oo haddana ajnabi ah marka ay meel ku wada nool yihiin, waxaa caqliga saliimka ahi uu ina farayaa inay lagama maarmaan tahay  iyaga oo mideysan in ay ka tashadaan waxa u danta ah mushtamacooda, ayna dhinaca kalena ixtiraamaan mushtamaca ay dalkooda ku nool yihiin, iyada oo qolo waliba ay gacanta midig ku qabsaneyso dhaqankeeda iyo diinteedaba” Ayuu yiri Guddoomiyaha golaha muslimiinta.

Waxaa dooda Guddoomiyaha Golaha islaamka Mehmed mid la mid ah soo jeediyey iimaamka masjidka Misbahul Islam Shariif Goelab, oo sheegay inuu la qabo Mehmed in guddoomiyihii hore ee jaaliyada Zwolle uu yahay shaqsi aan lagu aamini karin masiirka mushtamaca Soomaalida, marka loo eego hab dhaqankiisa.

“Soomaalidu waa ummad sharaf leh, jameecada ugu badan ee masjidka ku tukada waa Soomaali, waxaa jiray walaal C/risaaq Saylac oo masjidka maamulkiisa ka mid ah, hadda waxaa si joogta ah inoola shaqeeya Cusmaan Abuukar” Ayuu yiri Shariif Goelab.

Inkastoo xiriir aan la sameynay C/qaadir Cali [Nuune] oo ah shaqsiga ay eeda ujeediyeen 2daasi dhinac aysan inoo suurtagelin inaan helno,  haddana ma xaqiiin karno sax-nimada eedaha loo jeedinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -