DAAWO TOOS: Xuska Munaasabada 1-da Luulyo oo caawa ka socota Villa Somalia

Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 60 guuradii ka soo wareegtay 1-da Luulyo 1960 oo ku beegan markii gobolada Koonfureed ay ka xoroobeen isticmaarkii Talyaaniga isla markaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa caawa ka socoto xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabadan ka qeyb galaya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Diblomaasiyiin, saraakiisha ciidanka qalabka sida, Maamulka gobolka Benaadir iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Xafladda oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa fanaaniinta Hobollada Qaranka Waaberi, waxay madashada ku soo bandhigayaan suugaan ka hadlaysa todobaadka Xoriyadda iyo xuska 1-da Luulyo.

Caawa saacaaddu marka ay tahay 12:00-ka saqda dhexe ee habeenimo ayaa la saari doonaa calanka Jamhuuriyadda Somalia, iyadoo la filayo in magaalada ay ka dhacaan dabaaldegyo waaweyn oo socon doona illaa habeen dambe.

Sidoo kale magaalooyinka dalka iyo xarumaha maamul goboleedyada dalka intooda badan ayaa waxaa ka socda xaflado tan la mid ah oo lagu maamuusayo maalinta 1-da Luulyo.

Hoos ka daawo Munaasabada 1-da Luulyo oo ka toos uga socota Villa Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -