Weriye shaqadeeda ku weysay su’aal ay hor dhigtay Madaxweyne caan ah

Alisa Yarovskaya ayaa weysay shaqadeedii weriyenimada ka dib markii ay su`aal caro dhalisay weydiisay Madaxweynaha Ruushka, xilli uu shir-jaraa`id oo sanadle ah qabanayay.

Maamulka Arctic Yamal oo ka tirsan waqooyi-galbeed Siberia ayaa la sheegay iney dhibsadeen su`aasheeda.

Alisa Yarovskaya ayaa qabsatay makarafoonka Waxayna bilowday inay qeexdo faa`iidooyinka cimilada sii kululaaneysa ee gobolkeeda, iyadoo sababtuna ay tahay inay furmayeen waddooyinka badda Arctic.

“Waxaa la horumariyay dhismaha, waxaa la dhisay waddo tareen, si kastaba dhismaha buundo laga dhisayo Webiga Ob ayaa socotay, Barasaabkeenna, Dmitry Artkyukhov, wax dadaal ah kuma bixiyo inuu ka dhabeeyo dhismaha buundada, Welina arrintan inta badan lagama hadlo xitaa heer federaal. Sidaas daraaddeed waxay su`aashu tahay ma heli karnaa inuu federaalku soo fara geliyo?” ayay tiri Yarovskaya.

Putin ayaa ugu jawaabay in federaalku uusan u habbooneyn soo faragelinta hal mashruuc, balse wuxuu sheegay in buundada Ob ay muhiim u tahay isku xirka gobolka, maaddaama in dekadaha Arctic furmeen ayna tahay wax muhiim ah, Wuxuuna xusay inay dowladdu ka warqabto fiiro gaar ahna u yeelaneyso.

Saraakiisha sarsare ee degmada Yamal-Nenets ayaa la fajacay faragelinta weriyaha, waxayna Yarovskaya u sheegtay dhowr warbaahin oo Ruush ah inay iyadu gudbisay iscasilaadda intii la ceyrin lahaa.

Arrintan ayaa dibeda soo dhigtay sida ay weriyeyaasha Ruushka ugu adag tahay inay la xisaabtamaan maamullada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -