Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Jubbaland oo aqbalay codsi uga Yimid Madaxweyne Axmed Madoobe

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka codsaday Baarlamaanka maamulkiisa in au u kordhiyaan waqtiga si uu usoo magacaabo golaha Wasiirada maamulkiisa.

Xildhibaanada maamul goboleedka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa ka dooday codsiga uga yimid Madaxweynaha Jubbaland ee ku aadan in mudo dheeraad ah la siiyo si golaha Wasiirada usoo magacaabo.

Dooda kadib ayaana xildhibaanada Jubbaland waxa ay ogolaadeen in mudo 9-cisho ah ugu daraan mudada uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe kusoo magacaabi karo golaha Wasiirada maamulkiisa.

Axmed Madoobe oo mar kale Kismaayo loogu doortay Madaxweyne ayaa ku guu dareestay in uu soo dhiso golle cusub oo Wasiiro ah, waxa uuna marar badan Baarlamaanka Jubbaland siiyeen waqti dheeraad ah si uu usoo magacaabo Golaha Wasiirada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Nabad sugida oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Dabley hubeesan

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho & Masuuliyiin kale oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay xarunta dowladda hoose

Caydiid Ali

Gudoomiye Yariisow: “Sharciga ayaan la tiigsan doonnaa Maamulka WARDI Hospital”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---