Faah faahino kasoo baxaya dil ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo ciidamada booliiska oo …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka booliiska ee ka howlgala magaaladaasi dil u geestay qof shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay askariga dilka geestay iyo qofka shacabka ah ee la dilay ayaa waxaa dhax maray muran, waxaana xiligaa kadib askariga la sheegay in uu dilay qofkii shacabka ahaa ee la murmay.

Ciidamada booliiska magaalada Dhuusomareeb ayaa durba soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan askariga dilka geestay oo la sheegay in uu baxsaday.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa tan iyo markii amaankeeda la wareegeen ciidamada dowlada amaankeedu ahaa mid aad u wanaagsan ,marka laga reebo in ay ka dhaceen dilal ay ciidamada amaanka u geesteen dad shacab ah .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -