Gudoomiye Yariisow: “Sharciga ayaan la tiigsan doonnaa Maamulka WARDI Hospital”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo goor dhow shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa ayaa si kulul uga hadlay Haweenay loo diiday saaka inay ku dhasho xarun caafimaad oo ku taalla degmada Xamar jajab oo lagu Magacaabo WARDI Hospital.

Yariisow ayaa cambaareeyay dhacdadaas xanuunka badneyd ee ay la kulantay Hooyo Khadra Maxamud Dhicisow oo markii dambe ku umushay banaanka isbitaalka.

“Waxaa nasiib daro ah in hooyo Somaaliyeed loo diido iney ku dhasho goob caafimaad oo ay maciin biday xili habeenimo ah taasoo keentay iney ku umusho banaanka goobtan caafimaad oo ku taalla degmada Xamar jajab, nasiib wanaag dadka degaanka ayaa u gurmaday weyna caafimaad qabaan hooyadan iyo ilmaheeda, Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada gobolka Banaadir ayaana booqatay” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxaa uu sheegay in arintan ay tahay fal dembiyeed aan marnaba qiil loo heli karin oo laga galay hooyo Soomaaliyeed oo xaq u leh iney hesho gurmad Caafimaad, isagoo xusay iney la xisaabtami doonaan, sharcigana la tiigsan doonaan Maamulka Wardi Hospital.

Dhacdadan naxdinta leh ee qabsatay gabadhan loo diiday iney ku dhasho isbitaalka ee markii dambe ku umushay jidka hor mara Isbitaalka ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -