Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Nabad sugida oo Suuqa Bakaaraha ku dilay Dabley hubeesan

Wararka aan ka heleyno gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in maanta ciidamada Nabad sugida gaar ahaan kuwa dharcadka gudaha Suuqaasi ku dileen labo nin oo biskoolado ku hubeesnaa.

Ciidamada Nabad sugida ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen dhalinyaradan hubeesan ,waxaana lagu soo waramayaa in labada nin hubeesan in ay damceen in ay lasoo baxaan biskoolado sidaasna labgu toogtay.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamada Nabad sugida ragan hubeesan ka shakieen kadibna gees ula baxeen, waxaana daqiiqado kadib ciidanka goobtaasi ku dileen labada nin hubeesan oo damcay in ay lasoo baxaan biskoolado ay wateen.

Toogashada ciidanka Nabad sugida u geesteen ragan hubeesan kadib ayaa goobta waxaa soo gaaray ciidamo kale oo katirsan Nabad sugida kuwaa oo markii dambe meydadka raga la dilay goobtaasi ka qaaday.

Dilkan ayaa kusoo aadaa xili gudaha Suuqa Bakaaraha maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayeen dilalka ay geestaan kooxaha hubeesan, waxaana dadka lagu dilo Suuqa mararka qaar laga qaadayay Sawiro iyo Muuqaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Soomaaliya kusoo celisay Mahdi Mohamed Xaashi kuna wareejisay Dowlada

Cabdi Cade

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi oo hambalyo ku aadan Ciida u diray ummadda Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Somalia oo ku guuleysatay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Afrika

Caydiid Ali