Gudoomiye Mursal oo digniin culus ka bixiyey kuraasta la xawilanayo ee Baarlamanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka digay kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd.

Mursal ayaa hadalkan ka jeediyey doodii xeerka asteynta kuraasta Golaha Shacabka oo haatan hor yaalla golaha shacabka

Isagoo hadal gaar ah u jeedinayey xildhibaanada sida ku tala galka ah gobol aysan beelahooda degin ugu wareejinaya kursiga ay ku fadhiyaan ayuu uga digay in kursigaas uu marka dambe lumi doono, ayna adkaan doonto in dib loogu  celiyo degaankii laga lahaa.

“Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta qaado aad geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, waxaana suurta gal ah maadaama aysan beeshii laheyd gobolkaas deganeyn adigana lagaa tira badan yahay in kursiga lagaaga guuleysto oo ka dibna aad meel cidlo ah soo joogsato, kursigiina uu sidaas ku lumo” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Adiga oo ujeedadaadu tahay in sanadkaas aad soo laabato khatar ha gelin kursiga bulshada aad ku metesho oo xaq u leh inay u tartamaan, waana arrin halis ah in dan shaqsi ah awgeed beel dhan laga wareejiyo kursi ay laheyd” ayuu intaas ku daray gudoomiyaha golaha shacabka.

Hadalka guddoomiye Mursal ayaa ku soo beegmaya iyadoo xildhibaanada qaar ay doorashada kuraastooda ka soo wareejiyeen degaankii au degeneyd beesha kursigaas leh, kalsooni daro ay ku qabaan beeshooda awgeed, iyagoo degaan doorashada kuraastooda u xawilay degaan ay beel kale degto, waxaana arrintaas cabasho ka muujiyey beelaha kuraastooda la xawilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -