Waalidiin Soomaaliyeed oo loo heesto in ay gudeen Gabar yar oo ay dhaleen

Maxamad kutaala magaalada Dublin ee caasimada dalka Ireland, waxaa lasoo taagay waalidiin Soomaaliyeed oo loo heesto in ay si qarsoodi ah u gudeen gabar yar oo ay dhaleen.

Waalidiintan ayaa in mudo ah ku xiran xabsi kuyaala magaalada Dublin waxaana loo heestaa gudniinka ay u geesteen gabar labo jir ah oo ay dhaleen, waxaana dhawaan la filayaa in maxkamada kiiskooda gacanta ku heysa go’aan ka gaarto waalidiintan.

Gudniinka lagu sameeyay gabadhan yar ayaa la ogaaday kadib markii  caabuq ku yimid meeshii gabadha laga gooyay, waxaana gabadha xiligaasi la geeyay Isbitaal ogaaday in gabadha gudniin loo geestay.

Waalidiinta Soomaaliyeed ee dhalay gabadha la sheegay in la guday ayaa beeniyay in gabadhooda ay gudeen, waxa ayna ku doodeen in dhibaatada gabadhooda oo gaartay sabab u aheyd kufid .

Maxkamadda ayaa ilaa dhammaadka bisha soo socota dib u dhigtay xukunka labada waalid, waxaana maxkamada hadii dambiga ku hesho waalidiintan muteesan karaan xabsi u dhaxeeya 10 ilaa 14-sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -