Qaramada Midoobay oo xil sare u dooratay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya UN-ka

Soomaaliya ayaa maanta loo doortay xilka guddoomiye ku-xigeenka Golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abukar Dahir Osman (Abukar Baalle) ayaa muddo sanad ah heyn doona xilkan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay QM.

Abukar Baalle ayaa guddoomiyaha cusub ee kal-fadhiga UN-ka Volker Bozkir oo u dhashay dalka Turkey kala shaqeyn doona isku duba-ridka howlaha Qaramada Midoobay, diyaarinta ajandaha golaha guud, iyo xallinta caqabadaha iyo walaaca dalalka Qaramada Midoobay,  xubnaha ka ah

Xeel dheerayaasha siyaasada ayaa sheegaya in Doorashada Abukar Baalle ee ku xigeenka Qaramada Midoobay ay Soomaaliya fursad u siineyso inay u ololeyso danaheeda gaarka ah, isla markaana xiriir dhow oo diblomaasiyadeed ay la yeelato dalalka caalamka.

Waa markii ugu horeysay oo muddo 33 sanadood ah ee Somalia ku guuleysato xilkaas oo aysan jirin cid kula tartantay,  Waxaana xilkan hore u soo qabtay qaar ka mid ah safiiradii Soomaaliya u fadhin jiray QM xiligii dowladii hore.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -