Madaxweyne Muuse Biixi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo maanta kulmay (Sawirro)

Waxaa maanta mar kale magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland kulan ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid.

Kulankan maanta dhaxmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hoggaamiyaasha Mucaaradka ayaa ahaa mid looga hadlayay xiisada ka taagan doorashada Madaxweynaha Somaliland oo qabsoomideeda khilaaf ka jiro.

Ma jiro wax go’aano ah iyo war labada dhinac kasoo saareen kulankan maanta dhacay, waxa ayna mar kale u ballameen in beri oo arbaco ah isugu yimaadaan kulan saddexaad oo looga hadlayo qodobada la isku hayo.

Guddi is xilqaaday ayaa ka shaqeeyay in la isku keeno ayna wada hadlaan Madaxda maamulka Somaliland uu ugu horeeyo Muuse Biixi iyo madaxda Xisbiyada Mucaaradka oo isku haya qabsoomida doorashada loo ballansan yahay bisha Agoosto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -