Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Madaxweyne Qoor-qoor oo si diiran loogu soo dhoweeyey Caabudwaaq

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi Ballaarran uu hoggaaminayo ayaa soo dhaweyn heersare ah loogu sameeyey Degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan golleyaasha xukuumadda, maamulka degmada iyo ururada bulshada ayaa si wacan u soo dhaweeyey.

Khudbad kooban oo u jeediyey dadweyne isku soo baxay ayuu Madaxweynaha Galmudug kaga mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey Caabudwaaq.

Qoor-qoor ayaa inta uu joogo magaalada Caabudwaaq waxaa uu kulamo la yeelan doonnaa masuuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada degmada Caabudwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu afduubayo Doorashada Galmudug

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaal hub culus la isku adeegsaday oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

(Akhriso) 15 arrimood oo hadda ka dib mamnuuc ka noqonaya gabadha uu guursaday Amiir Harry

Caydiid Ali
Taboola Ads ---