Maraykanka oo shaaciyey hadal niyad-jab ku ah Ciidammada dowlada Soomaaliya

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada dowlada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saaraan deegaannada ay ku xooggan yihiin.

Hadalkan ayaa lagu sheegay warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka oo uu Mareykanku soo saaray.

“Somalia waxay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada ay siiyaan ciidaada dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ‘Al Shabaab’ uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka taasoo ay u adeegsadaan dagaalada iyo weerarada ay ka geystaan Somalia iyo dalalka la deriska ah qaarkood.

Warkan ayaa niyad jab ku ah ciidamada DF oo mudooyinkan kordhiyey howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab iyadoo aysan la socon ciidamada midowga Afrika ee AMISOM

Al-Shabaab ayaa gacanta ku hayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya, waxaana weerarada kooxdan ku dhintay kumanaan qof oo shacab ah iyo askar ka tirsan kuwa DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -