(Sawirro) Deni oo gaaray Gaalkacyo iyo Xog ku aadan ujeedka safarkiisa

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo kusoo dhoweeyay, xubno ka mid ah labada gole ee Dowladda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maamulka Gobolka iyo kan degmada, Saraakiisha Amniga ee Gobolka iyo qeybaha kale ee Bulshada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu joogo Mudug waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Mudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedada Madaxweyne Deni uu u tegay Gaalkacyo ay tahay sidii uu halkaas ugula kulmi lahaa Madaxweynaha Galmudug Qoo-qoor oo isna beri halkaas ku wajahan.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili uusan fiiceyn xiriirka Puntland iyo DF, halka dhinaca kale maamulka Galmudug uu si weyn ugu dhow yahay dowlada dhexe.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadli doona arrimaha murugsan ee ka taagan habka loo qabanayo doorashooyinka Baarlamanka federaalka iyo madaxda sare ee dalka iyo qodobo kale oo uu ka mid yahay xoojinta amniga Gaalkacyo iyo degaanada kale ee labada maamul wadaagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -