Wasiir ku-xigeenka Isboortiga DF oo si si kulul u weeraray Wasiirad Khadiijo Diiriye

Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha Somalia Axmed Cumar Islow ayaa  Wasiirka wasaaradda Khadiija Maxamed Diiriye ku eedeeyey inay la dagtay howlihii wasaarada iyo in wax loo qabto dhallinyarada.

“Muddo ayaan ka aamusnaa arrintan, balse ma qarin karo wixii intan ka badan, wasaarada dhalinyarada horumarkeeda iyo waxqabadkeeda waxay wasiiradu ku soo koobtay in la qabto xaflado” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka oo la hadlayey warbaahinta Muqdisho qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, ayuu ugu baaqay inuu wax ka qabto dhibaatada  xoogan ee sida uu sheegay Wasiirad Khadiijo ku heyso Wasaarada.

“Wasaarada waa joogaan dhalinyaro firfircoon oo aqoon leh, wax badana qaban kara, balse Wasiirad Khadiijo ayaa is hortaag ku sameysay wax walba oo la qaban lahaa” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka.

“Haddii ay xasaanad xildhibaannimo xil wasiir ku heshay maahan inay dhallinyarada ku baabi’iso iyo in madaxda ay Facebook ku amaanto dalkana caddaalad darro ku baabi’iso, Wasaaradduna ma ahan Wasaarad Siyaasadeed” ayuu intaas ku daray Axmed Cumar Islow.

Waxa uu sidoo kale sheegay in halkii ay Wasiirada qaban laheyd shaqooyinka Wasaarada ay taas badalkeeda shaqo ka dhigatay Amaanta Rai’sul Wasaaraha Soomaaliya, si ay xilka u sii xajisato una fushato danaheeda guracan sida uu yiri

“Waxba tari meyso Ra’iisul Wasaare in mar kasta lagu amaano oo lagu yiraahdo LIBAAX LABO MAAHA iwm, balse waxaa wax taraya oo lagugu xusuusanaa wixii aad u qabatay dhallinyarada dalka” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow.

Hadalka Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow oo ah mid lama filaan ah oo dad badan ka yaabiyey Ayaan la ogeyn waxa xiligan ku soo beegay, mana jiro war ka soo baxay wasiirad khadiijo oo arintan ay uga jawaabeyso.

Hoos ka daawo muuqaalka wasiir ku-xigeenka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -