Senataro ka soo horjeestay qoraalkii uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare

Senataro ka tirsan aqalka sare ayaa ka soo horjeestay warqadii maanta ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ee ku saabsanayd xeerarkii dhameystirka doorashooyinka oo Guddoomiyuhu sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa intaas ku daray in mid aan aheyn xeerarakii saxdaa in la hor geeyey Golaha Shacabka ayna qaarkood meel mariyeen, waxaana uu Gudoomiyaha aqalka sare dalbaday in la joojiyo ka doodista iyo ansixinta xeerarkaasi inta laga saxayo, isagoo soo bandhigay 27 qodob oo wax laga bedelay.

Hase ahaatee Senator Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey hadalka Cabdi Xaashi, isagoo sheegay in sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah maadaama guddoonada labada aqal ay si wadajir ah u magacaabeen guddiga isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaranka 28-ka bishii Febraayo ee sanadkan.

Waxa uu intaasi  raaciyay Senator Ayuub in Warqadda uu soo saaray Guddoomiye Cabdi Xaashi aysan raalli ka wada ahayn Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaaka Soomaaliya isla markaana la doonayo in lagu dumiyo Aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale shirka jaraa’id ka hadashay Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga soo diyaarinta xeerarka Sharciga doorashooyinka ayaa waxay shaaca ka qaaday in Shacabka Soomaaliyeed ay u sheegayaan in xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bil ka badan ay socotay diyaarintiisa.

Labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa u muuqda kuwo ku sii kala fogaanaya sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka iyo xeerarka la xiriira, waxaana khilaafkooda oo mudooyinkanba taagnaa uu muuqdaa mid sii xoogeysanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -